Wednesday 10 February 2010

Xusuusqor: Suldaan Iyo Socdaalkii dheeraa ee Somaliland



Xusuusqor: Suldaan Iyo Socdaalkii dheeraa ee Somaliland
Qaybtii 7-aad.
Berde ku yaal Wadaamo-goo; ma aha kii “isha Baydhabo”
Anigoo badhtanka kaga jira qormooyinkii Socdaalkaygii Dheeraa ee Somaliland ayaa hawlo badani ila soo derseen, ka dibna hakad ayaan geliyey, hase yeeshee waxa si weyn ii dhiiri geliyey inaan sii wado dad weyne aad u tiro badan oo aan kula kulamay madaalloyin kala duwan iyo kuwa xitaa aannu dukaanno ka wada adeegganaynay (Shopping) kuwaas oo si xoog leh iigu dhiiri geliyey inaan qormaddii xiisaha badnayd sii wado oo dhammaystiro qoraalkaa intii aan ballan qaaday. Anigoo taa ka duulaya, waxaan mar kale jeclaystay inaan sii wado qoraalladdii, si aan dad badan oo xagaagga u dalxiis tegi doona dalka ugu soo dhiiriyo meelaha ay dhugta u yeellan doonaan iyo meelaha ay tegi doonaan iyo inay xusuus qor ka reebaan dalxiiska dalkooda.
Maanta, waxaynu dhanka bariga uga baxaynaa magaallada Burco oo xarun ii ahayd, waxaynu raacaynaa laamiga dheer ee isku xidha Burco iyo Laascaanood. Waxaan idiin sheegayaa filashadayda tegista halkaas waayo, weligay Biriishka Qoryaale dhankaa bariga uma dhaafin. Waxaan ku socdaa Gar-adag oo shirweyna ka bilaabmayo, shirkaas oo aan kamarado iyo sameecado u sido. Waxaan wataa gaadhi Surf ah oo aan soo kiraystay, weliba anigaa gacantayda ku wata. Waxa ila socda laba nin oo aan waxba igu dhaamin tegista Gar-adag oo midna aannu si fiican u garanayn jidka loo maro, waxaan magaallada ka baxayaa goor dheer, waayo waxa werwer iga hayaa inaan ku anbado waddooyinka hallaasiga ah ee is barbaryaaca ah ee aan midina mid ku soo darmayn ee banweynaha la magac baxay “Bancadde” is gudub ordaya ee intii halkaa qabatay iiga warantay.

Labadii duhurnimo ayaan ka jillaabannay magaallada Burco, waxaan socdaal ku sii marnay dhowr magaallo oo jidkaa laamiga ku yaal, waxaan shaah ka sii cabnay magaallada Wadaamo-goo oo ku taal laamiga, waxa iigu yaab badnayd markii aannu makhaayadii fadhiisannay, ayaa oday meesha shaah ku cabbayey ka sheekeeyey dhibaato ka dhacday Wadaamogoo oo ahayd laba nin oo ceel owdmay dibu-qodayey oo sakaraad ah, wuxuu yidhi “Ceelkii ‘biir’ leh ayey galeen oo labadii nin waa sakaraad”, waxa aan la yaabbay waxa ay “biirtu” tahay, markii dambe ayey iigu sharaxeen inay tahay sun ku soo maaxata ceelasha laga qodo meelaha didibka ah, taas oo qofkii ceelkaa gala meel kasta oo daloosha, indhaha, duburta, dhegaha, sanka, afka, iwm ka gasha, oo haddii aan laga gaadhinna ay u dhintaan.. khatar weyn dheh,,,
Berdihii Wadaamo-goo, Suldaan iyo Saleebaan Sool
Wadaamo-goo, waxa ku yaal geed weyn oo berde ah oo weligay aan maqli jirey balse ay maalintaa iigu horreysey, wuxuu ku yaal waddada badhtankeeda, laamiga markii la dhisayeyna geedkaa waa la caynaamiyey oo dad wadaniyiin ah ayaa helay oo laamigii ayaa labada dhinac laga mariyey, inta aan istaagay ayaan sawirro qurux badan ka qaaday. Waxaan u sii dhaafay dhankaa Caynaba. Intii aan jidka sii socday ayaan la kulmay taangi (kaare) ka mid ah kuwii laga gubay ciidamadii Siyaad Barre, isna sawir ayaan ka sii qaatay. Waxaan tegey Caynaba.
Kaare laga gubey Faqashtii (Ciidankii taliskii Siyaad Barre)
Ceelka guunka ah ee Caynaba
Caynabi waa meel guun ah oo taariikh weyn leh, waa meel aan suugaanta soomaalida oo aan muddo ku dhex jirey ay muuqaallo fiican iiga iftiimisey, hase yeeshee waxa aan marnaba isukay qaban ceelka Caynaba iyo wixii aan meeshaa ku arkay.. Anigu haddii aan u magac bixin lahaa “ceel” kuma sheegeen ee “haro” ayaan ugu magac dari lahaa, waayo sidii ceelba uma samaysna, jaranjaro ayaa hoos loogu degayaa ka dibna biyo aad mooddo webi daboolkii laga qaaday ayaa weelka la soo darsanayaa. Inta aan ceelka ku dhaadhay ayaan sawirro iskaga qaaday.. taariikh dheh.
Suldaan oo dhex taaggan ceelka Caynaba
Waxaan u sii dhaafay dhankaa Oog oo aan laamigii kaga leexday. Waxaan dhanka biddix ka maray tuulada Bad-weyn waxa gabalkii noogu dhacay tuullada Gawsa-Weyne, ka dibna waannu ku anbannay bankii weynaa ee Bancadde oo aanan weligay arag ban la dherer iyo ballaadh le’eg, waxaad moodaysaa saxarihii Liibiya iyo Sucuudiga lagu sheegi jirey, waddooyinka dhaadheer ii isbarbar yaacaya oo mid waliba tuullo gasho ama guri biyo loogu dhaamiyey jiilaalkii hore ay gasho ayaad ku jaahwareeraysaa oo aanad kala garanayn wadadan aad raacaysaa meel ay kula gelayso, goortu waa habeennimo, shafeerku waa aniga oo waa qariib, ragga ila socdaa waa reer Burco oo waa ila mid, ku darsoo waddooyinka qaar baa kula gelaya Xudun, Ceel-la-helay iyo Bohol iyo tuullooyin kale. Meeshaa xitaa kuwii weligood marayey ayaa ku luma oo haddii aanay si fiican ula socon waddada ay marayaan iyo ta ka leexanaysa.
Darka Ceelka Caynaba xooluhu ka cabbaan
Waxba yaanan hadal idinku daaline, waxaan sagaalkii habeennimo galnay Gar-adag oo ku taal meel didib ah oo dhanka galbeedna buuro ku leh, dhanka barina banaan weyn ku leh. Waa magaalo dhaaro leh oo ka dhismo duwan tuulooyinka aan soo maray, waxay leedahay dhowr masaajid, ceelal biyood, dhir waaweyn oo berde ah oo magaallada koonaheeda ku yaal, waana degmo ka tirsan gobolka Sanaag. Waxa magaalladaa ku yaal geed “gob” ah oo caan ah, waa geedka magaalladu kula magac baxday oo la yidhaahdo “Gar-adag”, waa geedka garta adag lagu gooyey, waa geedkii Afxakame loogu meheriyey Saalax oo intiina taariikhda suugaanta wax kala socotaa ay garanayso.
Geedka “Gar-adag” ee magaca magaalladu kula baxday, waana geed gob ah
Ceelka Gar-adag oo isna biyuhu halkan dhow joogaan
Magaallada Gar-adag,Dhowr geed oo caan ah bay leedahay, waxa ku yaal geed la magac baxay “Habar lammaan” oo ah laba geed oo isku baxay, Berde iyo Darray, dad yar baana kala garan kara waxyaalaha ay labadaa geed ku kala duwan yihiin, markanse wayba isku baxeen oo waxa muuqan karta isirka ay wadaagaan labadan geed (Berdaha iyo Darrayga). Waxay kaloo Gar-adag leedahay ceel biyood la mid ah kan Caynaba oo isna hoos loogu dhaadhacayo ka dibna halkaa ragga midna biyaha ka soo tuurayo gunta, kan kalena darka ugu shubaya xoolaha.
Waa berde iyo daray isku baxay oo la yidhaahdo “Habar lammaan”, kuna yaalla Gar-adag
Maanta aan halkaa ku dagagaro qormadeenan toddobaad, mid kale ayaan ku sii anba qaadi doonaa socdaalka Gar-adag iyo wixii meeshaa ka dhacay, haddii Allaha awoodda lihi qaddaro.

Allaa Mahad Leh
Yaasiin Jaamac Nuux (Suldaan)
suldaan@aftahan.comaftahan@gmail.com

No comments: