Suldaan Iyo Socdaalkii dheeraa ee Somaliland
Qaybtii 4-aad.
Qaybtii 4-aad.
“Siyaasadda guri baa loo iibiyaaye, guri lagama dhisto,” Marxuun M.I Cigaal
Waxaannu soconaya, markii dambe ayaannu gaadhnay degemada Dila oo laamigii aannu haynay uu halkaa ku dhammaaday, sawir-maskaxeedka aan ka haystay Dila wuxuu ahaa inay ku taallo galbeedka Boorama, hase yeeshee maalintaa ayey beenowday. Waxay ku taallaa wadada u dhexaysa Hargeysa iyo Boorame, Inta kale waxay la mid tahay magaalooyinkaa laamiga ku yaal, wax gaar ah oo aan ka tilmaamo waa laamiga dheer ee Xamar ka soo bilaamaa inuu iyada ku dhammaado. Waxaannu galnay waddo jay ah oo god god badan, dhagax dushii la marayo, goor dambe ayaa dhankaa bidix waxa naga qabtay buuro waaweyn oo ay ka mid tahay buurta Saw, iyo Subulaha. Waakuwii ku jirey gabayga Gaarriye ee Saxansaxo ee uu kulahaa
Lix gu' baan Safeeriya fadhiyey Sool anoo rabaye
Subulaha galbeed iyo lix baan Sibidhlay taagnaaye;
Saax-dheertan taakada jirtiyo Saawba waan gabaye
Siyaabliyo iniintaan ku riday Suuftu may bixine.
Laba saacadood oo keliya markii aannu Hargeysa ka soo soconnay, ayey noo muuqatay Boorame oo ahayd meeshii safarkayagu ku ekaa. Boorame, yaab kale, weli wadadii jayga ahayd ayaannu haynaa, Sawir-maskaxeedka waxa iigu jirey in Boorame ay ku taal dhulciideed dooxooyin iyo dhir waaweyn oo gob ahi ku yaallaan, meel isku siman oo kayn iyo dhir badan leh; taasina waa beenowday, oo waxay noqotay magaallo ku taal buur dusheed, oo halka Hargeysi ay buuruhu sida Madiina afarta dacal kaga wareejisan yihiin, Boorama iyadu buur yar ayey afarteeda dacal uga dhacday, buuro kalena dusha sare oo aad uga fog ayey kaga teedsan yihiin. Waa magaallo aan lahayn daaro dhaadheer oo badan sida Hargeysa, aadna uma weyna magaallo ahaan. Laami keliya kuma dhex arag intii aan marayey inkastoo aanan ku raagin.
Markaannu magaallada soo galnay ayaa la yidhi ina geeya Huteelka Rays, kolley halkaa ayaa la iska raacayaaye, sababtoo ah kolanyadii baabuurta ahayd dib ayaannu uga yara dhacnay, waxaannu soo dhex qaadnay magaalada dhexdiidii, xoogaa markii aannu soconay oo la i barayo magaallada ayaa guri dhanka bidix naga qabtay oo deyr ku meersan yahay, la igu yidhi waakan “Gurigii Daahir Riyaale”, mid kalena wuxuu yidhi “Aafadda Togdheer baa la yidhaahdaa guriga”. Waa guri kaanbool ah oo leh deyr yar oo ku wareegsan, waxaanay ii raaciyeen xooggaa xasarad ah oo ahayd, inuu gurigan Ina Riyaale dhistay isla markii uu noqday Madaxweyne ku xigeenka, wakhtigaas oo guddoomiye u ahaa guddidii Aafada Togdheer; waxay ii sheegeen in wakhtigaa uu Riyaale Guriga dhistay Marxuun Cigaal maqlay oo ku yidhi “Siyaasadda guri baa loo iibiyaaye, guri lagama dhisto,”. Si kastaba gurigaasi ha ku dhistee, ku filan haddii uu xilka waayo, gef iyo godob toona aannu dalka ka gelin, oo uu noqdo madaxweynihii hore ee Somaliland... sharafna ugu filan.. kol haddii aannu ku sii waarrayn..
Abwaanka waxaa ku tukaday dad kumanaan gaadhaya oo markii dambena u sii gelbiyey hoygiisii negaashanaha isagoo calankii Somaliland huwan, hareerahana ay hayaan gacalkiisii uu ifka kaga tegey, wuxuu ahaa aaskii iigu horreeyey ee dad intaa le’eg isugu soo baxeen, isaga iyo kii Maxamed Ducaale (Dhoolayare), Suldaan Maxamed Cabdi Cali, iyo xildhibaan Yuusuf Maxamed Cali (Tuke) oo intaba loo sameeyey aas qaran oo aan ka qayb galay.. usha cirka loo tuuraa dhulka uma dhacayn...
Marxuunka waxaa la bud-dhigey goobtii lagu aasay aabbihii Sheekh Muumin, oo ku taallay badhtamaha magaallada Boorame. Waxaanna uu Somaliland iyo Somalida kaleba kaga tegey taariikh lama ilaawaan ah, suugaan murtiyeed hogatus iyo hiyi-korin ah. Wuxuu ahaa wadani mu-hindis ah, ababshe luuqadyahan ah, haasawshe kaftan yaqaanna, macallin taariikh yahan ah, aqoonyahan indheer garad ah, la-hiigsade holdoor ah, wuxuu ahaa,, wuxuu ahaa, intaan sheegay iyo inta maankaaga ku jirta ee aan maqaalkan ku dhaafay. Alle ha kuu naxariisto...
Mar haddii jinaasadii laga soo dhamaaday maxaa hadhay, dib u noqosho. Waxaannu dib ugu soo noqonay huteelkii bilicda badnaa iyo doogga quruxda badan lahaa, waa Rays huteel – five star hotel Boorama – dadkii goobta wada joogay sugitaankii meydka iyo aaskiiba, markii huteelka Rays la yimi si loo sii qadeeyo tegitaanka ka hor, waxa loo kala fadhiistay laba kooxood, mid uu hoggaaminayo Siilaanyo oo Kulmiye Boorame la qadaynayey iyo wasiiraddii iyo weftidii meydka la socotay oo iyana goob fadhiistey, waxaana kaftan iyo dacaayad aan kala go’ lahayn halkaa ka jeedinayey La-taliyaha Madaxweyne Geelle, oo ahaa nin kaftan badan oo waayo aranimo badan u lahaa dhaqanka, taariikhda iyo dadka reer Boorame iyo Somaliland ba.
Suldaan iyo Socdaalkii dheeraa ee Somaliland, la soco qaybta 5-aad [insha Allaah] ...
Si aad sawir sax ah uga heshid dhacdadii maalintaas, halkan hoose riix
Allaa Mahad Leh
Yaasiin Jaamac Nuux (Suldaan)
http://suldaan2007.blogspot.com/