Suldaan Iyo Socdaalkii dheeraa ee Somaliland
Qaybtii 3-aad.
Qaybtii 3-aad.
Hargeysa markaad tegtid, waxaad arkaysaa inay samada iyo meelo kale sii tiigsanayso, oo magacyada dukaannada, bakhaarada, hudheellada, booshariyada, iwm waxa loo biyey magacyo ajaanib, oo malaha la moodayo inay ajaanibka gaar u soo jiidanayaan, ama wax cusub oo markiiba la calmado noqonayaan. Magacyada huteellada loola baxay, waxa ka mid ah Ambassador, Imperial, Star, City Center, Scandanevia, Paradise iwm. Waxa lagu iibinayo meelahaas qaarkood baa ah kuwii lagu iibin jirey London iyo Paris. Haddii, carruuri kula socoto, meel aad burger iyo chips uga iibisid waayi maysid, waxaad tegeysaa Snapy bar hotel, iyo m2m, imw.
Inan aannu qaraabo nahay ayaa Hargeysa timi oo dhankaa Burco ka soo gashay, waxay ku soo degtay huteel kuwaa magac ajaanibka ah leh, inantu afsoomaaliga si fiican bay u taqaan, ingiriisidana xooggaa weedho ah ayey jajabsataa. Inantii baa telefoon ii soo dirtay, iina sheegtay inay Hargeysa joogto si aan ugu tago, waxaan weydiiyey meeshay ku soo degtay, dabadeedna waxay burbursatay magacii huteelka, “waxaan ku soo degay hudheelka ‘baradise’ ”- si kale u higgaadi “ ba-ra-di-se”. Bal waatane yaa kuu garta huteelka magacaa leh ee Hargeysa ku yaal, qof kasta oo magaallada ku aqaannay xitaa saxaafadda ku dhehoo waan weydiiyey, laye; garan mayno, malaa waa mid cusub. Kolkii dambe ayaan ku idhi la garan maayo huteelkaagee, kaan degenahay iigu kaalay, waa kuma, waa Huteel Barwaaqo, oo badhtamaha magaallada ku yaal. Way iigu timi, dabadeedna keedii baannu isu raacnay mise waa Huteel Paradise oo Jirde hotel na loo yaqaan. Maantaas baan hoosta ka xariiqay in calmashada magac ajaanibku dhib ku yahay macaamiisha madeniga ah ee aan afqalaadka aqoon..
Huteellada magac soomaaliga leh ee heerka sare ah waxa ka mid ah; Maan-soor, Barwaaqo, Hoodo, Xaraf, Dalxiis, Hadhwanaag iwm. Oo iyaguna ay dhib kala kulmi doonaan ajaanibku ku dhawaaqiddooda, balse yaa mudan in loo sahlo, dadkeenna iyo ajaanibka, adigu ba garo ama Hargeysa weydii!
Waxa mudan in lagu ammaano mudan tayada iyo adeegga wanaagsan ee huteelladu soo kordhiyeen.
22 January 2008, ayaan joornaalka ka akhristay taariikhdii SNM oo laga saaray manhajka Somaliland. Arrin weyn oo dadka aan anigu ka mid ka ahaa ku beertay werwer badan, waxa maankayga ku soo dhacday maalintaa beydadkii gabayga ahaa
“Ninka socodka taariikhda raba, inuu suuldaareeyo
Sacab timo leh weeyaan, inaad suurto gelisaane” – Saxansaxo - Gaarriye..
Iguma cusbayn khaladaad badan oo manhajka Somaliland lagu arkay , uguna weynayd sawir-gacmeedkii lagu arkay buugga diinta dugsiga hoose ee fasalka kowaad, kaas oo wasiirradda tacliintu mamnuucday isticmaalkiisa 2006dii. Waxaan u qaatay in dhacdadanina tahay mid la mid ah taas hore oo kale oo wasaaraddu beenin doonto; haseyeeshee ma dhicin. Waxay u muuqatay arrin si badheedh ah loo sameeyey. Wasiirka Tacliinta ayaaba tafaasiil dheeraad ah ka bixiyey, oo ku tilmaamay in aan dadka reer Somaliland SNM wada ahayn, sidaasi darteedna looga saaray; taasi waxay ii noqon weyday sabab muhiim ah, waxaan isku dayey inaan helo buuggii joornaalka lagu soo qoray iyo waxa ku jira, nasiib darrose may ii suurto gelin arrintaasi; sababtoo ah manhajka Somaliland ee dugsiga hoose/dhexe wuxuu ka kooban yahay 56 buug. Dhowr iyo labaatan buugtaa ka mid ahi gacantayday ayey soo galeen balse kuma jirin kii fasalka sideedaad ee arrimaha bulshada ku saabsanaa. Waxa arrintaa sababay iyo u kuurgal aan ku sameeyey waxaad ka heli doontaan faallada waxbarasha Somaliland oo aan dib ka soo qori doono [insha Allaah]
La soco qaybta dambe [Insha Allaah] ee Suldaan Iyo Socdaalkii Dheeraa Ee Somaliland..
Allaa Mahad Leh
Yaasiin Jaamac Nuux (Suldaan)
No comments:
Post a Comment