Thursday 19 February 2009

Socdaalkii Dheeraa - Qaybtii Lixaad - Sheekh Secondary School

Suldaan Iyo Socdaalkii dheeraa ee Somaliland
Qaybtii 6-aad.

Sawirradii oo dhan halkan ka daawo
http://picasaweb.google.com/suldaan2007


Akhristayaashii faraha badnaa ee ila soo xidhiidhay iyo kuwii sida joogtada ah ula socday qoraalladii taxanaha ahaa ee “Suldaan iyo Socdaalkii Dheeraa ee Somaliland” waxaan ka raalli gelinayaa daahitaanka aan la soo daahay qoraallada –cudurdaarkaygu waa Socdaalkii Dheeraa inaan weli ku jiro oo Sweden ku maqnaa –

Waxaan iyana si guud oo kal iyo laab ah ugu mahadcelinayaa saaxiibaddayda dacaladda adduunka jooga ee sawirrada iyo warbixintaydu daltabyada ku reebtay ee sida qiiraysan iigu soo dira emaillada iyo telefoonnada, kuwaas oo aanan intooda badan ku warcelin – waxaan leeyahay saaxiibbayaal fari kama qodna – waanan qaatay taladiina iyo dhiirigelintiinaba, mana mudni ammaanta badan ee aad ii soo dirteen.

Arartaa, halkaa markaan ku dhaafo; Socdaalkii dheeraa – maanta waxaan idinku geynayaa meeshii ay ka soo baxeen haldoorkii ummadda, meeshii indhaha la inoogu dilaaciyey, goob taariikh weyn ku leh horumarka tacliineed ee Somaliland, waa Iskuulkii Sheekh ee Secondariga ah, iskaga iyo ka maanta jaamacadda laga dhigay ee Camuud iyo Dayaxa oo Sanaag ku yaal ayaa ah meelaha tacliinta tayada leh laga aasaasay; siiba dugsiga Sheekh wuxuu noqday mid ardaydii ka soo baxday ay u ciidamisay dalkan yar ee Somaliland. Magacyada waaweyn ee laga yaqaan dalkeenna ee hoggaaminta iyo aqoonta sare lagu bartay waa ardaydii Dugsiga Sare ee Sheekh. Waxa la dhisay badhtamihii qarnigii tegey, wuxuu ku yaal Magaallada Sheekh meel ilaa laba kiiloo mitir dhanka galbeed ka xigta. Wuxuu ka kooban yahay guryo la seexdo, fasallo wax lagu dhigto, goobo lagu cayaaro, tiyaatar wax lagu daawado, meel weyn oo lagu cunteeyo, masaajid lagu tukado, barxad weyn oo lagu nasto, beero dhexdooda lagu hawo qaato, guryihii macalimiinta – qayb cusub oo hablaha gaar loogu sameeyey.

Waxaannu wada soconney, Hinda Max’ed Jaamac oo wiilkeedu Dugsiga dhigto iyo Abwaan Hadraawi oo maalintaa ay ku soo casuumeen dhallinyarada dhigata dugsiga, Waaxdooda Suugaanta Soomaalida – Somali Literature Council oo uu guddoomiye ka ahaa wiil yar oo halabuur ah – Cabdilaahi-Shaacir - oo runtii si diirran noogu soo dhoweeyey Dugsiga, weliba gabay qurux badan oo uu abwaanka (Hadraawi) ku ammaanayo, kuna soo dhoweynayo halkaa nooga tiriyey.

Weligay maan tegin dugsigaa, haddana Shiikh iyo buurta Dawga inta jeer ee aan maray tiro ma leh; Shiikh waa magaallo qurux badan oo hawo fiican, marka kulka kul ugu darrani ka dhacayo dalkeenna, iyadu waa qabaw, marka jiilaal cargaagtamo ee dhirtu engegto, iyadu waa barwaaqo, marka xagaa dabadheeraado iyadu waa dhedo – gu iyo jiilaal, dayr iyo diraac waa cagaar, markasta waxa laga helaa Seytuun, marka gaadhi isla kaa soo taago ayaa saxansaxo iyo qabow naftu ku raaxaysanayso ku qaadayaa, marka indhuhu ku dhacaan meel barwaaqo ah oo buuro ku gedaaman yihiin, guryuhu qaarna buurtaa saaran yihiin, kuwana buurta kale, ayaad u qushuucaysaa quruxdeeda. Dhowr qof baannu isku raacnay in Shiikh tahay magaallada keliya ee Istiraajiyad iyo qurux ahaan ba ugu qalanta Caasimadda Somaliland. Intay xadka u jirto, intay badda u jirto, waxyaalaha dabiiciga ah ee ay leedahay, biyaha durdurrada ah, jawiga qabow iwm. Maalinay noqotaba Shiikh caasimad bay noqonaysaa –

Dugsiga Sare ee Shiikh waxyaalihii iga yaabiyey ee uu lahaa waxa ka mid ahaa, isagoo in ka badan lixdan sannadood dhisnaa, dalkaa burburay, tobanka jeer dagaalladu ka dhaceen, inuu ka nabad galay oo sidii lagu dhisay uu ahaa; waa dhismayaasha qaddiimka ah ee dalkeenna ka taagan ee haddana kuwa maanta la dhiso ka quruxda iyo tayoba fiican. Kaallay arag, tiyaatarka aan kuraasta lahayn ee daaqadaha muraayadaha ah leh ee haddana marmarkii iyo muraayaduhu sidoodii u dhalaalayaan, kaalay arag madbakha casriga ah ee weelkii iyo wiciyaddii qalinka ahayd yaallin iyo tallaagadihii cuntada lagu qaboojinayey, oo aanad malayn karayn sida nadaafaddoodu u sarrayso iyo sida ay u daryeelayaan ‘Hygiene’ ka ee xataa kuugu dhar nadiifa u xidhan yahay, kaallay arag, labotariyada sayniska ee qalabkii iyo agabkiiba u dhan yihiin ee qurux iyo tayoba ka fiican yihiin kuwa London college-yadeedu qaar leeyihiin. Bal adba eeg, fasallada ay samuuraddoodu tahay ta maanta adduunka laga isticmaalo ee loo yaqaan “Whiteboard” ee qallinka masaxma lagu qoro, iyo derbiyada khariiddada iyo sawirada biology-ga ku dhegen yihiin. Maktabadda buugtu taallo ee leh meesha wax lagu akhristo ee xitaa ka kaa soo horjeedaa aanu arkayn waxaad akhriyeysid.

Waxay leeyihiin “Notice Board” la iskula socodsiiyo waxyaallaha/ (Activities) dugsiga dhexdiisa ka socda. Ardaydu iyagaa dharkooda maydha oo kaawiyadaysta, iyagaa cunta weelka ay ku cunaan dhaqa, iyagaa gurigooda masaxda oo hagaajista, kaallay arag, sida wakhtiga u ixtiraamayaan, macallinka uga dambeeyaan, sida ardaydu isu tixgelinayso, sida murankooda iyo dooddu cilmiga ugu qotonto, halka dhallinyarada kale Tahriib iyo Fiise iib ah ka sheekaynayso, iyagu Buug Maraykanka lagu qoray oo cilmi ama khiyaal ku saabsan ayey ku dooddayaan ‘Waxaas buu uga jeedday’, halka dhallinyarada kale kubadda iyo koox heblaa badisey ka dooddayso, iyagu buug hebel baa soo baxaya iyo hebel baa siyaasadda Afrika ku fiican ayaa laga doodayaa;

Dhallinyarada dugsiga dhigataa waa laba boqol oo wax dhiman (180), waana kuwa ugu aqoonta sarreeya Somaliland. Si ciyaar ah laguma helo dugsiga Sheekh, kama jirto ‘qishka’ beryahaa dambe ka soo shaac baxay imtixaannada Somaliland, sidii dhallinyaradu telefoonada u qaadatay ‘qishku’ cirkaa ayuu isku shareeray Somaliland, oo xataa gobol gobol baa loogu tartamaa. Iyaga imtixaannadooda waxa lagu soo saxaa UK, shahaadadooduna waa GCSE oo waxa soo saarta EDEXCEL. Hinda Maxamed Jaamac oo wakhtigaa Jaamacadda Burco ka shaqaynaysey oo wiilkeeduna dhigto Dugsiga Sheekh ayaa intii aannu Dugsiga ku soo soconnay nooga sheekaysey siday wadnaha farta ugu haysey in wiilkeedu baasi doono imtixaanka lagu gelayo Dugsiga Sheekh; wiilkeedu oo ku dhashay Maraykanka oo si fiicanna u yaqaanay ingiriisida iyo xisaabta ayey haddana ka baqsanayd inuu imtixaankaa baasi waayo, ka waran kuwa kalena- sidaa iyo ka sii daran ayaa loo galay –

Dhallinyaradii dugsiga nagu soo casuuntay ayaa si fiican noogu soo dhoweeyey, aniga markiiba waxay ii kaxeeyeen inay isoo tusaan dugsiga gudihiisa; waxay i geeyeen laababkii sayniska, maktabadii, tiyaatarkii, madbakhii, jardiinooyinkii, barxaddii weynayd ee dugsiga, waxay i geeyeen meesha ay dharka ku maydhaan, meelaha ay wax ku akhristaan, qolalka hurdada oo qolkiiba laba sariirood oo isdulsaaran leyahay oo afar seexato; waxaan koray dusha sare ee dugsiga oo aan sawirro qurux badan ka soo qaaday dugsiga iyo magaalladaba, eeg sawirrada.

Ka dibna, waxay gaadhay wakhtigii loo ballansanaa in Abwaanka lala kulmi lahaa ee murtidiisa iyo mahadhadiisa la maali lahaa. Hadraawi oo intii aanaan Burco ka soo bixin nagaga habsaamay kulan uu la lahaa dhallinyaro dugsiga sare ee Sheekh Bashiir ka qallin-jelinaysa, ayaa wuxuu caado ka dhigtay inuu muxaadaro ama lecture qurux badan oo qiiro iyo waano isugu jira u jeediyo ardaydaa nolosha cusub gelaysa. Maalintaana wuxuu halkaa ka jeediyey mowduuc runtii aad iiga qiiraysiiyey, oo waddaniyad, masuuliyad, dedaal iyo firfircooni faraya ardayda; dusha u saaraya xilkii naftiisa, kii reerkiisa, kii reerkooda, kii bulshada iyo kii ummadda oo dhan. Wuxuu ula dardaarmay sidii qof aan weligood ku soo noqonayn – laga yaabee – in sannadka dambe uu qaar kale halkaa ugu tago-

Asluubta loo fadhiyey, curdannimada wajiyadooda ka muuqatay, sida hadalka abwaanka loo danaynayey, loona xiisaynayey, iyo sida qaar ay buugta ugu Note-garaysanayeen maahmaahyada iyo sheeko-murtiyeedyada abwaanku ku hoga-tusaaleynayey; ayaan la dhaygagay oo sawirkii aan qaadayey i ilowsiisey. Haddii haweenka aan tacliinta loo diri jirin, waxaad ku arkaysaa dugsiga hablo xijaaban oo quruxdooda iyo shacniga ka muuqda ay u dheer tahay aqoonta sare ee ay baranayaan – maansha Allaah – Qof kastoo dalka taga waxaan ku dhiiri gelin lahaa inuu dalxiis ahaan u tago dugsigaa sare ee Sheekh.

Riyaaqii iyo marxabaysiintii, ayaa ilaa kadinka dhallinyaradii nagu keentay, iyagoo wejiyadooda faraxii ka muuqday aad moodid inay iid joogaan. Waxay na siiyeen nuqullo ka mid ah warside (newsletter) ay iyagu soo saaraan oo af-Ingiriisi ku qoran, mowduucyo kala duwanna ka hadlaaya. Waxay nala sii galeen sawirradii sagootinta

Haddaba, waxa is weydiin leh, ubaxaa soo kacayaa mustaqbal fiican ma ka heli doonaan dalkooda iyo shaqo iyo nolol wanaagsan, mise aqoontaa iyo xirfaddaa ay heleen waxay u noqon doontaa furihii Tahriibta? Bal adiguba sheeg. Haddii aad ogtihiin aqoondarrada haysata ciidankeenna booliiska oo keliya, afartanka kun ee arday ee sannadkii ka qalin jebisa dugsiyada sare intoodaba booliis baad ka dhigi lahaydeen; Booliisku halkii uu aqoon iyo sharci kugu hagi lahaa ayuu amar iyo dil kugula kacayaa – qormadeenna dambe la soco waa cadaallad-darrada dalka taal, kaga hadli doonaa..

Fiiro Gaar ah: Haddii, qaar ka mid ah dhallinyaradaa dhigata dugsiga Sheekh ay helaan qoraalkan iyo sawirradiisa, fadlan u gudbiya, dhallinyarada oo dhan. Aad bay iiga soo codsadeen inaan u soo diro, runtii waan kala habsaamay – sawirrada ka la baxa ciwaankan hoose: http://picasaweb.google.com/suldaan2007
http://suldaan2007.blogspot.com/

Suldaan iyo Socdaalkii dheeraa ee Somaliland, la soco qaybta 7-aad [insha Allaah] ...
Allaa Mahad Leh
Yaasiin Jaamac Nuux (Suldaan)aftahan@gmail.comwww.aftahan.org
http://suldaan2007.blogspot.com/

No comments: