Tuesday 20 January 2009

Socdaalkii Dheeraa - Qaybtii Labaad

Suldaan Iyo Socdaalkii dheeraa ee Somaliland
Qaybtii 2-aad

“Ha moodin in London oo keliyii ay baabuur leedahay – welcome to Hargeysa” – Hadraawi

http://suldaan2007.blogspot.com/

http://uk.youtube.com/watch?v=77-gAdmgRnY --- video clip, Burco








Subaxnimaddii 3 January 2008, ayaannu ka soo degnay madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport, aniga iyo Hadraawi oo wada soconnay. Hadraawi waxaannu iska soo raacnay London iyo Somali Week, sideed usbuuc buu dib ii dhigay si aannu dalkii isugu raacno, oo sidaan London gadhwadeenka ugu ahaa ayuu igu yidhi gadhwadeen baan kaaga noqonayaa dalka, runtii aniga way ii fiicnayd oo baqdin iyo werwer badan ayaan ka qabay dalka; dad badan oo aan ka garanayaana ma joogin, ehelka iyo Burco mooyee, inta kale oo dhan cid badan kama aqoon, Hadraawi oo kuu gadhwadeen ahi waxay ii ahayd, baasaboor meelna ugama baahnid.
Waxay taasi rumoowday, subaxdii markii aannu ka soo degnay madaarka, ayaa naloo duway xaggii VIP da, aniga iyo Hadraawi oo kaamaradaha iyo fiidyowyada nalagula soo carary, qaar ka mid ah ehelkii oo safarka igu wehelinayey awgood ayaan Hadraawi uga soo hadhay dhankii VIPda. Halkaas oo uu waraysi ku siiyey qaar ka mid ah saxaafadda Somaliland.


Madaarka dal kastaa wuxuu muujiyaa ubucda iyo waayaha dalkaa ka jira, maamul ahaan, aqoon ahaan iyo horumar ahaanba; nin Gatewick ka soo duulay oo Paris ku soo nastay, jabbuutina xoogaa ku soo jactadey ayaan ahaaye, markii aan Hargeysa ka soo degey ayaa la igu salaamay, yaac iyo xaggan u baydh iyo waxan iyo waxaa keen, waxa iigu warwar badnaa baasaboorkii la iga qaaday ee aan “counter” iyo xafiistoona la geyn ee nin wejigiisii aanan xitaa si fiican u garanayn uu iga qaaday. Kontonka doollar ee laga qaadayo ee la leeyahay soddon madaxa iyo labaatan sarifa keen, dan u gelimaysid, mar haddii aad nabadgelyo, maamul-wanaag iyo soo dhoweyn lagugu soorayo, hase yeeshee, marka lagu galo ee lagu galelefo ee cir iyo dhul ba laguu diido, hadal qalafsan, amar mutuxan, dad askar iyo shaqaale isugu jira oo isdhex yaacaya aan kala derejo sarrayn, hawshoodana kala aqoon; ku derderaan ayaad ka xumaanaysaa. Markaasaan gadhwadeennimadii Hadraawi aqbalay oo uu baasaboor ii noqday.


Dhowr saacadood ka dib, markii aannu waynay shandadihii aannu sidannay oo la yidhi diyaaraddii baa Jabbuuti kaga timi, ayuu na qaaday Guush Jaamac Basaale oo magaaladii na geliyey, markii aannu magaalladii soo dhex galnay ayaannu “traffic jam” la kulannay. Hadraawi baa igu yidhi “ha moodin in London oo keliyii ay baabuur leedahay – welcome to Hargeysa –“ Waxaannu ku degnay huteelka Dahabshiil ee Barwaaqo oo badhtanka magaallada Hargeysa ku yaall. Subaxnimadii dambena, waxaan u soo baqoolnay dhanka Burco.


08 January 2008, waxaan ku wareejiyey deeq-lacageed dhan $8,000.00 Guddida Horumarinta Togdheer, lacagtaas oo aan ka siday Ururka TAF, uguna deeqay cusbitaalka Maandhaye, ee Burco. Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ka dhacday hoolka shirarka Jaamacadda Burco ayaan deeqdaa lacageed ku wareejiyey. Munaasibaddaa waxa si weyn uga hadlay aqoonyahanka, abwaannada, culimo awdiinta, salaadiinta iyo waxgarad kale oo badan. Munaasibad soo dhoweyn ah ayey ii ahayd, anna waxqabad iyo in aanan faro madhan iyo kaamarad dalka la imane aan wax qabad la imi ayey ii muujisey. Waxaana goobtaa ka hadlay abwaanka weyn Hadraawi, shiikhul beledka Burco Shiikh Cali Warsame, Prof, Cabdisalaan Yaasiin, Suldaan Maxamuud Guuleed Mire, Maayarkii hore ee Burco Maxamed Xuseen Aadan iyo kuxigeenkii badhsaabkii hore Yaasiin Muxumed Cabdi iyo dad kale oo badan.

17 January 2008, waxa Burco ka dhacay mudaharaad weyn oo lagu ayidayey qaddiyadda gooni-isu-taagga Somaliland, waxa soo agaasimay dibedbaxaa badhasaabkii hore ee Burco Cabdi Xuseen Dheere, waxaana ka qayb galay dad badan oo dhallinyaro, haween, hay’ado wadani ah, ardayda iyo macalimiinta Jaamacadda Burco, shaqaalaha cusbitaalka guud iyo wasaarada caafimaadka, ciidanka booliiska, dadweyne farabadan oo lug iyo baabuurka ku socday.


Ka daawo cajalad fiidyow ah oo ku saabsan mudaharaadkan....

http://uk.youtube.com/watch?v=77-gAdmgRnY




Guji sawirka si aad u aragti sawirro badan oo mudahaarka ku saabsan.





La soco qaybta dambe [Insha Allaah] ee Suldaan Iyo Socdaalkii Dheeraa Ee Somaliland..


Allaa Mahad Leh
Yaasiin Jaamac Nuux (Suldaan)aftahan@gmail.com
http://www.aftahan.org/
http://suldaan2007.blogspot.com/

1 comment:

Gole Wayeel said...

Salaan diirran Suldaankayow,
halkan waxa maanta soo booqday nin marti ah: Waad ku mahadsan tahay warbixinta iyo sawirrada qurxoon oo aad ka soo qaadday Somaliland. Halkaas ka sii wad.
Tixgelin,
Wayeel