Friday 23 January 2009

Hadraawi iyo Hurre

Abwaannadii walaalaha ahaa, Sagal C/qadir oo kala dhex fadhida Hurre iyo Hadraawi iyo abw. Axmed Awgeeddi - Huteelka Shiraaqle ee Magaallada Hargeysa
Axmedd Awgeeddi oo dhex fadhiya Hadraawi iyo Hurre iyo Aniga
Axmedd Awgeeddi oo dhex fadhiya Hadraawi iyo Hurre iyo Aniga
Anigoo kala dhex fadhiya Hadraawi iyo Hurre iyo Axmed Awgeeddii
Posted by Picasa

Banaanbixii Burco

Banaanbax lagu taageerayo qaddiyadda Somaliland oo Burco ka dhacday 17 Jan 08..


Posted by Picasa

Tuesday 20 January 2009

Socdaalkii Dheeraa - Qaybtii Labaad

Suldaan Iyo Socdaalkii dheeraa ee Somaliland
Qaybtii 2-aad

“Ha moodin in London oo keliyii ay baabuur leedahay – welcome to Hargeysa” – Hadraawi

http://suldaan2007.blogspot.com/

http://uk.youtube.com/watch?v=77-gAdmgRnY --- video clip, Burco








Subaxnimaddii 3 January 2008, ayaannu ka soo degnay madaarka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport, aniga iyo Hadraawi oo wada soconnay. Hadraawi waxaannu iska soo raacnay London iyo Somali Week, sideed usbuuc buu dib ii dhigay si aannu dalkii isugu raacno, oo sidaan London gadhwadeenka ugu ahaa ayuu igu yidhi gadhwadeen baan kaaga noqonayaa dalka, runtii aniga way ii fiicnayd oo baqdin iyo werwer badan ayaan ka qabay dalka; dad badan oo aan ka garanayaana ma joogin, ehelka iyo Burco mooyee, inta kale oo dhan cid badan kama aqoon, Hadraawi oo kuu gadhwadeen ahi waxay ii ahayd, baasaboor meelna ugama baahnid.
Waxay taasi rumoowday, subaxdii markii aannu ka soo degnay madaarka, ayaa naloo duway xaggii VIP da, aniga iyo Hadraawi oo kaamaradaha iyo fiidyowyada nalagula soo carary, qaar ka mid ah ehelkii oo safarka igu wehelinayey awgood ayaan Hadraawi uga soo hadhay dhankii VIPda. Halkaas oo uu waraysi ku siiyey qaar ka mid ah saxaafadda Somaliland.


Madaarka dal kastaa wuxuu muujiyaa ubucda iyo waayaha dalkaa ka jira, maamul ahaan, aqoon ahaan iyo horumar ahaanba; nin Gatewick ka soo duulay oo Paris ku soo nastay, jabbuutina xoogaa ku soo jactadey ayaan ahaaye, markii aan Hargeysa ka soo degey ayaa la igu salaamay, yaac iyo xaggan u baydh iyo waxan iyo waxaa keen, waxa iigu warwar badnaa baasaboorkii la iga qaaday ee aan “counter” iyo xafiistoona la geyn ee nin wejigiisii aanan xitaa si fiican u garanayn uu iga qaaday. Kontonka doollar ee laga qaadayo ee la leeyahay soddon madaxa iyo labaatan sarifa keen, dan u gelimaysid, mar haddii aad nabadgelyo, maamul-wanaag iyo soo dhoweyn lagugu soorayo, hase yeeshee, marka lagu galo ee lagu galelefo ee cir iyo dhul ba laguu diido, hadal qalafsan, amar mutuxan, dad askar iyo shaqaale isugu jira oo isdhex yaacaya aan kala derejo sarrayn, hawshoodana kala aqoon; ku derderaan ayaad ka xumaanaysaa. Markaasaan gadhwadeennimadii Hadraawi aqbalay oo uu baasaboor ii noqday.


Dhowr saacadood ka dib, markii aannu waynay shandadihii aannu sidannay oo la yidhi diyaaraddii baa Jabbuuti kaga timi, ayuu na qaaday Guush Jaamac Basaale oo magaaladii na geliyey, markii aannu magaalladii soo dhex galnay ayaannu “traffic jam” la kulannay. Hadraawi baa igu yidhi “ha moodin in London oo keliyii ay baabuur leedahay – welcome to Hargeysa –“ Waxaannu ku degnay huteelka Dahabshiil ee Barwaaqo oo badhtanka magaallada Hargeysa ku yaall. Subaxnimadii dambena, waxaan u soo baqoolnay dhanka Burco.


08 January 2008, waxaan ku wareejiyey deeq-lacageed dhan $8,000.00 Guddida Horumarinta Togdheer, lacagtaas oo aan ka siday Ururka TAF, uguna deeqay cusbitaalka Maandhaye, ee Burco. Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo ka dhacday hoolka shirarka Jaamacadda Burco ayaan deeqdaa lacageed ku wareejiyey. Munaasibaddaa waxa si weyn uga hadlay aqoonyahanka, abwaannada, culimo awdiinta, salaadiinta iyo waxgarad kale oo badan. Munaasibad soo dhoweyn ah ayey ii ahayd, anna waxqabad iyo in aanan faro madhan iyo kaamarad dalka la imane aan wax qabad la imi ayey ii muujisey. Waxaana goobtaa ka hadlay abwaanka weyn Hadraawi, shiikhul beledka Burco Shiikh Cali Warsame, Prof, Cabdisalaan Yaasiin, Suldaan Maxamuud Guuleed Mire, Maayarkii hore ee Burco Maxamed Xuseen Aadan iyo kuxigeenkii badhsaabkii hore Yaasiin Muxumed Cabdi iyo dad kale oo badan.

17 January 2008, waxa Burco ka dhacay mudaharaad weyn oo lagu ayidayey qaddiyadda gooni-isu-taagga Somaliland, waxa soo agaasimay dibedbaxaa badhasaabkii hore ee Burco Cabdi Xuseen Dheere, waxaana ka qayb galay dad badan oo dhallinyaro, haween, hay’ado wadani ah, ardayda iyo macalimiinta Jaamacadda Burco, shaqaalaha cusbitaalka guud iyo wasaarada caafimaadka, ciidanka booliiska, dadweyne farabadan oo lug iyo baabuurka ku socday.


Ka daawo cajalad fiidyow ah oo ku saabsan mudaharaadkan....

http://uk.youtube.com/watch?v=77-gAdmgRnY




Guji sawirka si aad u aragti sawirro badan oo mudahaarka ku saabsan.





La soco qaybta dambe [Insha Allaah] ee Suldaan Iyo Socdaalkii Dheeraa Ee Somaliland..


Allaa Mahad Leh
Yaasiin Jaamac Nuux (Suldaan)aftahan@gmail.com
http://www.aftahan.org/
http://suldaan2007.blogspot.com/

Sunday 18 January 2009

Suldaan iyo Socdaalkii Dheeraa ee Somaliland

Suldaan Iyo Socdaalkii dheeraa ee SomalilandQaybtii 1-aad.Labadii January 2008 ayaan safar dheer oo ii sii qorshaysnaa ugu baxay Jamhuuriyadda Somaliland, oo aan muddo dhowr iyo toban sano ah moogganaa. Waxa iigu dambaysey 1997kii, markii dib mar labaad loogu doortay Marxuun Maxamed X. Ibraahim Cigaal. Qormadan oo taxane noqon doonta ayaan ku eegi doona safar dheer oo laba iyo toban bilood ah, oo Somaliland gobolladeeda oo dhan ah, oo sawir iyo muuqaal ba ah. Qoraalkan waxaad ka dhex heli doontaa safar ka soo bilaami doona Boorame iyo Adan Isak International Airport, Aaskii Qaran ee Marxuun, abwaan Xasan Sh. Muumin, Huteelka Rays ee bilicsan, Gurigii Ina Riyaale ee Boorama ee ay ku soo baxday (Cigaal ku lahaa) “Siyaasadda guribaa loo iibiyaaye guri lagama dhisto”, Hargeysa iyo burburkii Qaraxyadii 29 October, shirweynihii Xisbiga Kulmiye, bilicda iyo horumarka caasimadda, . Berbera iyo haama shiidaalka, iyo badda-cagaha geli, Buurta Sheekh iyo diidmadii la ii diiday inaan sawirto “Wasiirka dalxiiskaa diiday” askartii istabta sheikh. Sheekh Secondary School iyo warbixin iyo muuqaal qurux badan oo aan ka soo qaaday. Burco iyo waayaheeda; lacagta qaynbaarta iyo cidda kaantaroosha, xadhigaygii derejo diidka ahaa, diidmadii calan sawirrashada; Jaamacadda Burco, Wakaaladda Biyaha Burco, Mudaharaadkii 15 May 2008 ee lagu eryey badhasaabkii hore Cabdi Xuseen Dheere iyo waayihii ku xeernaa, ololihii Diiwaangelinta, cusbitaalka Maandhaye ee Burco iyo hawlihii ururka TAF. Shirweynihii Doorashada Kulmiye iyo wixii ka dhacay. Qoryaale Secondary School oo aan dhisidiisa qayb ka qaatay. Taallabuur iyo geel-kiis la kala qaadanayo oo ahayd magtii ugu horreysey ee aan xaadir u ahaa. Dhoqoshey iyo goobtii taariikhiga ahayd ee lagu soo baqtay Argagixisada uu watey Jaamac Kuutiye, Sool: Ood iyo fadhiisinka ciidamadda Somaliland, Caynaba iyo ceelkii taariikhiga ahaa; berdihii weynaa ee Wadaamogoo. Sanaag: Gar-adag iyo shirweynihii HJ iyo waayihii ku xeernaa; Baabuurtii kurta laga jaray, geeridii Suldaan Maxamed Cabdi Cali iyo eryidii Boqor Buurmadow; heshiisiintii Siilaanyo iyo Saleebaan-nuur; Khudbadii Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali, iyo xidhitaakii shirkaa.Socdaalkaygii beriga iyo waayo aragnimadii aan ka soo qaatay, iyo faallo aan ka bixin doono doorka hay’adaha ajaanibka ahi ku leeyihiin hoggaaminta dalka, burburka dhaqan, diimeed, aqooneed, maamuleed ee dalka ka dhacay iyo meelaha aan u nisbayn karo. Kamaradaydii Nikon ta ahayd ee suumka dheerayd, tii fiidyowga ahayd ee Jaamacadda Burco, kaamkoodhaydii JVC da ahayd ayaa qormadan igala qayb qaadan doona in badanna ii sahli doona – xasuus ahaan iyo tusaale ahaanba. Koofiyad “cowboy”ga ah oo aan madaxa gashan jirey, cumaamado aan qoorta ku xidhan jirey, ookiyaallo/ sunglass madmadow oo aan milicda ka gashan jirey, sandhal danbari ah oo aan qaadan jirey iyo gaadhi Suzuki ah oo cas oo aan wadan jirey ayaan ku caan ahaa, intii aan dalka joogey. Mid yar oo ka mid ah carruurta aan la deriska ahaa ayaa koofiyaddaydii mooday tii askarta, markasta oo aan soo agmaro inta uu cararo oo gurigooda galo ayuu igu odhan jirey “Askariga, Askariga, Askariga”...... eeg sawirka hoose. http://sth-se.diino.com/suldaan/SuldaanGallery sawirradii Suldaan 2008Qormadan taxane noqon doonta [insha Allaah] aan isu kii dhex dhigi doonaa sheeko sodcaal, hadal murtiyeed iyo goob-taariikheed aan sawirro, maqal iyo muuqaal iyo sheeko tebin idiinku soo gudbin doono. Goob xasaasiyeedka meelaha qaar kuma talaxtegi doono. Sawirro iyo muuqaallo dhaqan ah oo fardo, geel, adhi, halo dhalay, nirgo, dhaan, maqal iwm la xidhiidha oo sawir maskaxeed iyo dal tabyo kugu beeri doona, ayaad ka dhex heli doontaa qormadan. Haddaba, ha moogaan inaad qormadan si toos ah ula socotid, adigoo ka heli doona sawirro iyo muuqaallo aad kuu xiiso gelin doona iyo dhacdooyin dhab ah oo sannadkaa tegey ka dhacay Jamhuuriyadda Somaliland sannadkii 2008.. Allow maxaan soo jooggeyWaa faras abaar ka soo doogey oo caato ah, waxaan ku galay Dhoqoshey, 2 June 2008La soco qaybta dambe [Insha Allaah] ee Suldaan Iyo Socdaalkii Dheeraa Ee Somaliland..Allaa Mahad LehYaasiin Jaamac Nuux (Suldaan)aftahan@gmail.comwww.aftahan.org
Suldaan oo caano dhamaya Suldaan oo faras fuushan
Posted by Picasa

Suldaan iyo Miyiga

Suldaan oo laadlaadsanaya kamarad uu xoolo geel iyo adhi leh kaga soo duubay miyiga
Suldaan oo adhi daaqaya ka duubaya fiidyow
Suldaan oo xoolo ka duubaya fiidyow
Posted by Picasa

Suldaan iyo Cawil


Suldaan iyo Cawil Axmed oo ku jira debaaldegga 18 May 2008, buurta Sheekh dusheeda,
Cawil Axmed, oo 18 May 2008 ku debaaldegaya Buurta Shiikh dusheeda, oo calankii Somaliland oo gaadhiga iigu xidhnaa ku sawiran.
Badda cagaha geli iyo 18 May 2008, Berbera: Suldaan iyo Cawil
Posted by Picasa

Suldaan iyo 18 May 2008

Suldaan oo 18 May 2008 ugu dhacday Buurta shiikh dusheeda oo naylshaa yar ku maamusay, dhallasha Somaliland
Suldaan oo 18 May 2008 ugu dhacday Buurta shiikh dusheeda oo nayl iyo waxaro yar yar ku maamusay, dhallasha Somaliland
Suldaan iyo Cabdilaahi la dabaaldegey nayl yar oo Buurta shiikh dusheeda si nabadgelyo ah isaga daaqaysa
Posted by Picasa

Shirkii Kulmiye

Ambassador Hotel iyo Suldaan

Suldaan oo shahaaddo u guddoomey qurbajoogga taageera Kulmiye. Shirweynihii Xisbiga Kulmiye Hargeysa 30 March 2008
Posted by Picasa

Taallabuur

Taallabuur iyo geelkiis

Jaamacadda Burco iyo Suldaan - Munaasibaddii Tahriibta
Qudhacsafar iyo safarkii Suldaan iyo Hadraawi
Posted by Picasa

Suldaan Imperial Hotel

Suldaan iyo Imperial Hotel Hargeysa

Qoryaale, geel cabaya
Taallabuur, geelkiis
Posted by Picasa

Boorame

Suldaan iyo Boorame


Posted by Picasa