Thursday, 3 February 2011

Tacsiyeynta Eheladii iyo Qaraabadii Marxuum Ibrahim Maygaag Samatar









Inaali laahi wa inaa ileyhi Raajicuun

Waxaan halkan uga tacsiyadaynayaa Ehelada, Qaraabada, Saaxiibbada, Qaranka Somaliland iyo guud ahaanba ummadda Soomaalida, Geeridii Xaqa ahayd ee timi marxuum Ibraahim Meygaag Samatar oo ku geeriyooday dalka Japan; wuxuu ahaa aqoonyahan bare ah, siyaasi ruug-cadaa ah, dhaqaale yahan waaya arag ah, halgamaa xaq u dirir ah, codkar aftahama, addoon ilaahay oo cibaadaysta xishood iyo urursanaan badan, tii xaqa ahaydna u timi isagoo la jecel yahay. Hoos ka akhriso qudbadihiisii qiimaha badnaa..

Waxaan ilaahay uga baryeynaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, dembigiisana dhaafo, innagana dhammaanteen samir iyo iimaan inaga siiyo. Aamiin, Aamiin.

Allaa Mahad Leh

Suldan Jaamac Nuux


Qudbaddii Taariikhiga ahayd 18 May 1991

Asalaamu calaykum/

Walaalahayaga wadanka Soomaaliya jooga, gaar ahaan kuwa Gobollada Waqooyi, gidigiin ba Asalaamu Calaykum Wa-Raxma Tu-laahi Wa-Barakaatu?


Galabta, golaha dhexe ee Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed shirkiisii ayaamahan ba uga socday magaalada Burco wuxuu go’aansaday inuu talooyinkii ka soo baxay shirweynihii beelaha Waqooyi, dhammaan sidooda ku aqbalo, wuxuu sii wadayaa farsamayntii iyo baaqa ka soo bixi doona, taariikhdaasi waxay ku saabsan tahay:

· Markii la eegay taariikhda dheer ee gobollada waqooyi,
· Markii la eegay halgankii kululaa ee ay u soo galeen xornimadooda inay helaan, inay calankooda taagaan, gumaysigii shisheeyaha ka xoroobaan,
· Markii la eegay hilowga ay u hiloobeen inay walaalahooda kale ee iyana isticmaarrada kale haysteen isku darsadaan, oo ay gobonimadoodii la wadaagaan walaalahood
· Markii la eegay taariikhda dheer ee la soo maray iyo hungowga ka raacay arrintaas iyada ah
· Markii la eegay in gobolka waqooyi weligiiba dulmanaa, haddana aanu weligiina dulmigaa raalli ka noqonin
· Markii la eegay, xaq markuu dadku is yidhi ku dhowaaq, waar ummaddu ha sinaato, waqooyi iyo meel walba, la maqli waayey, uu militerigii xukunka boobay uu arrintii sii shiiqiyey, sii kharibay weliba sii duuduubay, sii tuntay ilaa iyo halkay gaadhay la ogyahay, magaalooyin dumay, 150 sano wixii ummaddu dhisasay ay baaba'een, diyaarad ka kacday oo magaaladay ka kacday duqaysey, xoolo la boobay, dad la xasuuqay, dumar la kufsaday, waxaasi oo dhami markay na soo mareen, dhiidhigii laga dhiidhiyey, ee dadku calankoodii soo cesheday, ee dadku gobanimada helay, intaas oo dhanba markii la isku soo duubay, waxa ummadda Soomaaliyeed Gobollada Waqooyi degtaa iyo golaha dhexe ee ururka Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Soomaaliyeed (SNM) ay garteen, inay xaq tahay oo mudan tahay inay dowladooda oo gaar ah dhistaan.

Taasi waxa weeye mid ay markii horeba dhashadeen, markii ay gumaysigii eryeen inay xaq u lahaayeen,una leeyihiin, israaciina ay iyagu la yimaadeen, mid aan sharci ahaan lagu xaqiijin buu ahaa gebigiisuba, mid aan dadka afti laga qaadin buu ahaa, markii laga qaaday sannad dabadiina boqolkiiba sagaashan (90%) gobollada waqooyi aftidaa raalli kamay noqon, wixii ka dambeeyeyna afduub ayaa lagu haystay, xaq bay markaa dadka halgamay u leeyihiin inay dowladooda oo gaara dhistaan, gudahooda nabad ka dhaliyaan, walaaloobaan, koonfurna dad soomaaliyeed oo xukunkii faashiisamka ah ee Siyaad Barre laftooda uu dulmaayey ayaa jira, dad halgan aynu wadaagnay oo SNM xulafo la ahaa ayaa jira, dhiigooda daadiyey oo dulmigii iska riday oo weli halgamaaya, gacan walaalnimo ayaanu u fidinaynaa;

Liddi kuma aha dowladda gaarka ah ee Waqooyigu dhisanayaan dadkaa Soomaaliyeed ee xaqooda u halgamaaya, dad is ogolaaday, is ictiraafay mid waliba xaqiisa ogolaaday, oo iyagoo labada dowladood dhistay walaalooba oo wax wada qabsada ayaanu ku baaqaynaa, iyagana wixii ay nooga baahdaan gacan baan u fidinaynaa…………….;

Qudbaddii: Ibrahim Maygaag Samatar – 18 May 1991 Burco

Garaacidii: Suldan Jaamac Nuux

Xigasho: Hadhwanaagnews.com

http://hadhwanaagmedia.info/detail.asp?id=28755

Wednesday, 30 June 2010

Warqad Furan: Doorashada Somaliland
Bismilaahi Raxmaani Raxiim. ASalaamu Calaykum?


Salaan sharaf mudan ka dib; ugu horreyn waxa mahad leh Allaah, sidoo kale waxaan halkan uga dirayaa tahniyad, hanbalyo, bogaadin iyo mahadcelin ba shacbiga Somaliland, guddida doorashada, ciidanka qaranka, ka booliska, xisbiyada siyaasadda, kor-joogayaasha (observers) caalamiga ah iyo qurbajoogga Somaliland ee dalka ku sugan, oo intooduba fududeeyey dhicitaanka doorasho xor iyo xalaal ah oo caalamkuba ammaanay. Waxa kale oo aan warqad furan halkan uga dirayaa shacabka, saddexda xisbi qaran iyo guddida doorashada oo aan talo iyo tusmoba ugu gudbinayo.



Shacabka Somaliland
Shacabka Somaliland waxay mudan yihiin ammaan, maadaama ay garteen,inay iyagu kursiga iyo derejada leeyihiin oo qofkii ay u gartaan ka dhiganayaan “mas’uul’ (Madaxweyne, Xildhibaan, Maayar iwm.) Waxaad dhacsateen xuquuqdiina, mar haddii aanu qofna derejadaa gaadhayn, haddii aannu idin soo marin oo kalsooni iyo codba idin weydiisan. Muddo aan yarayn baa la xaqirsanaa xuquuqdiina’e maanta guul baad joogtaan haddii aad go’aanka iyo kursigaba idinku leedihiin; waxase idinla gudboon inaad ilaashataan oo ballanqaad xisbiyada ku daba gashaan, xisbigii fulin waaya ballanqaadkiisana aad ogaataan oo kolka dambe ku eridaan.

Guddida Doorashooyinka (Electorial Commission)
Waxaad qabateen hawl culus oo aad u weyn, weli lama gaadhin go’aankii, balse inta la idinka arkay waxaad ku shaqaynayseen firfircooni, hawlkarnimo iyo karti aad hawsha ku fulinayseen, waxaase weli dhiman caddaaladdii iyo dhexdhexaadnimadii, taasna waxa la idiinka markhaati kacayaa markaad ku dhowaaqdaan go’aanka doorashada. Waxaa idinka gudboon – murna ha ka qaadhaadhaatee – inaad doorashadii dadku galay si caddaalad ah oo aan caad saarnayn ugu dhowaaqdaan natiijada saxda ah wakhtiga ugu habboon.

Faisal Cali Waraabe
Waxaad tahay aqoonyahan, halgamaa, xaq-u-dirir, qayb weyn oo muhiim ah ka soo qaatay dhowr iyo tobankii sannadood ee u dambeeyey geedi-socodka siyaasadeed ee Somaliland. Waxaan ahayd odayaashii iyo aqoonyahankii u xusul duubnaa xasilinta iyo nabadaynta dagaalladii sokeeye ee Somaliland dhowr iyo sagaashankii ka socday. Adiga, marxuun Buuni, Rashiid-gadhweyne iyo Dr Bulxan iyo raggii kale ee idin kula jirey guddidii Addis Ababa waxaad ka soo qaadateen nabaddaynta Somaliland. Waxa kale oo aad ahayd raggii qaddiyadda Somaliland sida xoogga iyo xamaasadda leh uga ololayn jirey dibedaha, mudahaaradda iyo dibad-baxyadana ka samayn jirey. Geeddi socodka dimuqraadiyadda iyo isbedelka habka doorashooyinkana adiga iyo xisbigaaga Ucid oo aqoonyahanno dhallinyara ahi ka buuxaan ba doorweyn baad ku lahaydeen. Xisbigaad hormuudka u tahay (Ucid) wuxuu dhallinyarada iyo haweenka aqoonyahanka ah ee adduun-araggoodu ballaadhan yahay u noqday salaan ay ka soo koraan siyaasadda Somaliland ee reernimada dishootey, waxaa la saadaalinayaa inuu xisbigaasi waa-cusub u noqon doono Somaliland ka saara mugdi iyo siyaasadda gabowdey ee nidaamkii gumeysiga ku dhisan – qaybi oo xukun.

Mudane Faisal, haddii aad doorashada hesho, waxa kula gudboon inaad ka dhabaysid waxaad ummadda ugu yaboohaysey dhowr kii sannadood ee ina dhaafay, inaad soo dhistid xukuumad kooban oo aad xukunto, ka war-haysid wasiir kasta shaqadiisa, xukuumad aad shaqo cayiman u dirto, kana rabto inay fuliso, mid aan reero iyo hebelo aadan ku raalli gelin ee baahida dalka iyo dadka ku raalli gelisid, kuna fulisid. Waxa lagaaga fadhiyaa inaad la timaadid siyaasad fadhida oo aan bood-bood iyo isbedel lahayn, waa in laguugu soo hagaago horumarinta dalka, daryeelka dadka, dayactirka waddooyinka, doonidda ictiraafka iyo ilaalinta deris wanaagga.

Haddii lagaa helo doorashada, Mudane Faisal waxa kula gudboon inaad natiijada aqbashid, una hogaansatid. Waxaan kugula talin lahaa inaad ku biirtid golaha guurtida ah oo aad ka mid noqotid, taasi waxay wax ka beddelaysaa; [1] in golaha guurtidu noqdo mid dad aqoon iyo siyaasad ba lehi ku jiraan oo garan kara danta dalka iyo dadka [2] in dadka siyaasadda ka fadhiistaa ay helaan meel kale oo ay dalka dantiisa uga arrimiyaan [3] in ay dhaqangal noqoto in siyaasadda laga fadhiisto.

Madaxweyne Riyaale
Mudane Madaxweyne, waxaad ahayd nin nasiib badan, oo Ilaahay fursado badan siiyey, welina haysta; Mudane Madaxweyne waxaad dalkan ka soo qabatay xilalkii ugu muhiimsanaa, uguna sarreeyey ee qof reer Somaliland ahi soo qabto, waxaad ahayd badhasaabkii gobolka Awdal (1991-92), waxaad ku xigsatay Madaxweyne-ku-xigeen aad shan sano soo haysay (1997-2002), waxa noqotay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo aad siddeed sano haysay (2002-2010), welina doonaysid in laguu sii kordhiyo. Mudane Madaxweyne waxaan ku faraxsanahay CV-gaaga, ku darsoo waxaan soo dhoweeyey doorashadaadii madaxweynenimo 2003.

Mudane Madaxweyne, saddex iyo tobankaa sanno waxa dalka ka qabsoomay, doorashadii madaxtooyada ee lagugu soo doortay, tii dowladdaha hoose, tii baarlamaanka iyo tan hadda natiijadeeda la sugayo, Ciiddamada Somaliland oo xuduudkeenna gaadhay, xasiloonida iyo nabadgelyada dalka ka jirta, waxbarashada iyo caafimaadka oo wax weyn laga qabtay haba taag-darraadeene, waddooyinka iyo shaqaalaynta shacabka (waa shirkadda ugu weyn ee loo shaqo tago dowladdu, haba mushahar yaraatee). Berina ha la aasee nin raga baqaskii waa ceeb.

Madaxweyne, haddii aad doorashada ku guulaysatid, waxa kula gudboon; wax badan oo aan halkan laguugu soo koobi karin, waxaase ugu horreeya inaad dhowrtid xuquuqda muwaadiniinta, xeerarka dalka, xorriyadda saxaafadda, xoojinta nabadgelyada, xaqiijinta ictiraafka Somaliland iyo xakamaynta argagixisada.

Mudane madaxweyne haddii doorashada lagaa helana, waxa kula gudboon, inaad si nabadgelyo ah xukunka ku wareejisid, dalkaaga oo nabad ahna ku noolaatid, kana mid noqotid guurtida (xubin sharafeedka). Madaxweyne, waxaan kugula talin lahaa inaad qortid sooyaal-taariikheedkaadii, waaya-aragnimadaadii, caqabadihii ku soo maray, wixii kuugu yaabka badnaa, maalintay kuugu darreyd, maalintay kuugu farxadda badnayd, go’aannadii kuugu adkaa ee aad qaadatay iyo kuwii aad seegtay. Madaxweyne, waxaan sidaa kuu leeyahay CV-gaaga ayaad ku darsan lahayd inaad noqotid madaxweynihii ugu horreeyey ee Soomaali ah qora (memoir) waayihii iyo wacaalihii la soo kulmay intuu xilka hayey.

Mudane Siilaanyo
Mudane Siilaanyo; dalkeennu (Somaliland) muddo dheer buu xasilooni, dowladnimo, kala-danbayn, is-ixtiraam iyo hanaan dimuqraadiyadeed haystay, in ku dhow labaatan sanno ayeynu dowlad iskeed u madax banaan ahayn, dastuur, calan, lacag, ciidan militeri iyo booliis isugu jira lahayn oo ilaaliya qarannimada iyo nabadgelyada.

Mudane Siilaanyo, waxaad tahay nin weyn oo xilal badan oo dowladeed soo qabtay, mujaahid naftiisa u soo huray xoriyadda iyo madaxbanaanida dalka, aqoonyahan dhaqaale yahan ah, dalmar isaga gooshay dalka guddihiisa iyo dibediisa oo aanay waxba ku seegganayn waayaha dadka iyo dalka haysta. Ruug-caddaa dhowr iyo afartan sanno ku soo jirey saaxadda siyaasadda oo saadaalin kara waayaha iyo wacaalaha siyaasadeed ee geeska ka jira;

Mudane Siilaanyo, doorashadan haddii lagaa guulleysto, waxa kula gudboon inaad tahniyadayso, kuna qanacdid go’aanka shacabka, sidii markii horeba aad yeeshay.

Haddii aad guulleysatana, waxa ku horyaal hawl culus, xil balaadhan oo u baahan go’aanno ad-adag oo deg deg ah, geesinimo iyo hal-adaygnimo ku jirto; waxa ka mid ah:

Inaad fulisid qorshahaagii (manifesto) aad doorashada ku gashay, oo ay ka mid ahaayeen sugitaanka amniga, dhisitaanka xukuumad kooban oo xul ah, ballaadhinta maamulka, samaynta idaacad iyo TV qaran oo dalkoo dhan wada gaadha, tabarbaridda, tayeynta iyo derejo siinta ciidanka qaranka iyo booliiska, beddelidda lacagaha qiinbaarta ah ee saddexda gobol ee bari ka socota.

Hirgelinta maxkamad qaran oo badaxbanaan oo aan madaxtooyada laga xukumin – oo leh garsooreyaal cadaaliyiin ah oo aqoon, diin iyo karti aad ku xushay, kala diridda guddida nabadgelyada iyo xaaraantinimaynta xeerka “Xukunka Deg Dega ah”, dabargoynta musuqmaasuqa, eexda, laaluushka, qraabo-kiilka, nin-toocsiga iyo boobka hantida qaranka, ilaailanta xuquuqda muwaadinka, xorriyadda saxaafadda, xaqdhowrka waxgaradka, culimada, ganacsatada, abwaannada, aqoonyahanka, ardayda jaamacada iyo macaliimta. Dibudhiska cusbitaalada guud ee dalka, tayeynta iyo tababarridda shaqaalaha iyo dhaqaakhaatiirta. La dagaalamidda iyo xakamaynta dawooyinka dhacay, sharciyeynta iyo liisan u samaynta farmaysiyadan sida dukaannada ciidda ka batay.

Hirgelinta suuq xor ah oo aan cidna xuurto ugu xidhnayn, furitaanka liisamada xoola dhoofinta, ka kiraynta muwaadiniinta haamaha shiidaalka, shacuur dhimis lagu sameeyo dekedda Berbera, tayeynta madaarrada dalka, hirgelinta tartan dhaqaale oo xoriyad iyo sharci ku dhisan oo soo jiita maalgashiga qurbajoogga iyo maalqabeennada shisheeye. Hirgelinta qorshe-qarameed shaqo-abuuris ah oo shaqaaleeya dhallinyarada dalka ka sibiq-dhaqaaqaysa ee u dhuyaalaysa Yurub iyo Ameerika. Ugu danbayntiina, waxa lagaaga fadhiyaa siyaasad cilmiyeysan oo soo dhicin karta xuquuqdii dadka reer Somaliland ku lahaayeen ka mid noqoshada shucuubta caalamka, keenina lahayd ictiraaf buuxa oo calanka Somaliland ka luli lahayd xarunta Qaramada Midoobey ee New York.



Allaa Mahad Leh

Yasin Jama Nux (Suldan)
http://suldaan2007.blogspot.com
London, UK

Wednesday, 10 February 2010

Xusuusqor: Suldaan Iyo Socdaalkii dheeraa ee Somaliland



Xusuusqor: Suldaan Iyo Socdaalkii dheeraa ee Somaliland
Qaybtii 7-aad.
Berde ku yaal Wadaamo-goo; ma aha kii “isha Baydhabo”
Anigoo badhtanka kaga jira qormooyinkii Socdaalkaygii Dheeraa ee Somaliland ayaa hawlo badani ila soo derseen, ka dibna hakad ayaan geliyey, hase yeeshee waxa si weyn ii dhiiri geliyey inaan sii wado dad weyne aad u tiro badan oo aan kula kulamay madaalloyin kala duwan iyo kuwa xitaa aannu dukaanno ka wada adeegganaynay (Shopping) kuwaas oo si xoog leh iigu dhiiri geliyey inaan qormaddii xiisaha badnayd sii wado oo dhammaystiro qoraalkaa intii aan ballan qaaday. Anigoo taa ka duulaya, waxaan mar kale jeclaystay inaan sii wado qoraalladdii, si aan dad badan oo xagaagga u dalxiis tegi doona dalka ugu soo dhiiriyo meelaha ay dhugta u yeellan doonaan iyo meelaha ay tegi doonaan iyo inay xusuus qor ka reebaan dalxiiska dalkooda.
Maanta, waxaynu dhanka bariga uga baxaynaa magaallada Burco oo xarun ii ahayd, waxaynu raacaynaa laamiga dheer ee isku xidha Burco iyo Laascaanood. Waxaan idiin sheegayaa filashadayda tegista halkaas waayo, weligay Biriishka Qoryaale dhankaa bariga uma dhaafin. Waxaan ku socdaa Gar-adag oo shirweyna ka bilaabmayo, shirkaas oo aan kamarado iyo sameecado u sido. Waxaan wataa gaadhi Surf ah oo aan soo kiraystay, weliba anigaa gacantayda ku wata. Waxa ila socda laba nin oo aan waxba igu dhaamin tegista Gar-adag oo midna aannu si fiican u garanayn jidka loo maro, waxaan magaallada ka baxayaa goor dheer, waayo waxa werwer iga hayaa inaan ku anbado waddooyinka hallaasiga ah ee is barbaryaaca ah ee aan midina mid ku soo darmayn ee banweynaha la magac baxay “Bancadde” is gudub ordaya ee intii halkaa qabatay iiga warantay.

Labadii duhurnimo ayaan ka jillaabannay magaallada Burco, waxaan socdaal ku sii marnay dhowr magaallo oo jidkaa laamiga ku yaal, waxaan shaah ka sii cabnay magaallada Wadaamo-goo oo ku taal laamiga, waxa iigu yaab badnayd markii aannu makhaayadii fadhiisannay, ayaa oday meesha shaah ku cabbayey ka sheekeeyey dhibaato ka dhacday Wadaamogoo oo ahayd laba nin oo ceel owdmay dibu-qodayey oo sakaraad ah, wuxuu yidhi “Ceelkii ‘biir’ leh ayey galeen oo labadii nin waa sakaraad”, waxa aan la yaabbay waxa ay “biirtu” tahay, markii dambe ayey iigu sharaxeen inay tahay sun ku soo maaxata ceelasha laga qodo meelaha didibka ah, taas oo qofkii ceelkaa gala meel kasta oo daloosha, indhaha, duburta, dhegaha, sanka, afka, iwm ka gasha, oo haddii aan laga gaadhinna ay u dhintaan.. khatar weyn dheh,,,
Berdihii Wadaamo-goo, Suldaan iyo Saleebaan Sool
Wadaamo-goo, waxa ku yaal geed weyn oo berde ah oo weligay aan maqli jirey balse ay maalintaa iigu horreysey, wuxuu ku yaal waddada badhtankeeda, laamiga markii la dhisayeyna geedkaa waa la caynaamiyey oo dad wadaniyiin ah ayaa helay oo laamigii ayaa labada dhinac laga mariyey, inta aan istaagay ayaan sawirro qurux badan ka qaaday. Waxaan u sii dhaafay dhankaa Caynaba. Intii aan jidka sii socday ayaan la kulmay taangi (kaare) ka mid ah kuwii laga gubay ciidamadii Siyaad Barre, isna sawir ayaan ka sii qaatay. Waxaan tegey Caynaba.
Kaare laga gubey Faqashtii (Ciidankii taliskii Siyaad Barre)
Ceelka guunka ah ee Caynaba
Caynabi waa meel guun ah oo taariikh weyn leh, waa meel aan suugaanta soomaalida oo aan muddo ku dhex jirey ay muuqaallo fiican iiga iftiimisey, hase yeeshee waxa aan marnaba isukay qaban ceelka Caynaba iyo wixii aan meeshaa ku arkay.. Anigu haddii aan u magac bixin lahaa “ceel” kuma sheegeen ee “haro” ayaan ugu magac dari lahaa, waayo sidii ceelba uma samaysna, jaranjaro ayaa hoos loogu degayaa ka dibna biyo aad mooddo webi daboolkii laga qaaday ayaa weelka la soo darsanayaa. Inta aan ceelka ku dhaadhay ayaan sawirro iskaga qaaday.. taariikh dheh.
Suldaan oo dhex taaggan ceelka Caynaba
Waxaan u sii dhaafay dhankaa Oog oo aan laamigii kaga leexday. Waxaan dhanka biddix ka maray tuulada Bad-weyn waxa gabalkii noogu dhacay tuullada Gawsa-Weyne, ka dibna waannu ku anbannay bankii weynaa ee Bancadde oo aanan weligay arag ban la dherer iyo ballaadh le’eg, waxaad moodaysaa saxarihii Liibiya iyo Sucuudiga lagu sheegi jirey, waddooyinka dhaadheer ii isbarbar yaacaya oo mid waliba tuullo gasho ama guri biyo loogu dhaamiyey jiilaalkii hore ay gasho ayaad ku jaahwareeraysaa oo aanad kala garanayn wadadan aad raacaysaa meel ay kula gelayso, goortu waa habeennimo, shafeerku waa aniga oo waa qariib, ragga ila socdaa waa reer Burco oo waa ila mid, ku darsoo waddooyinka qaar baa kula gelaya Xudun, Ceel-la-helay iyo Bohol iyo tuullooyin kale. Meeshaa xitaa kuwii weligood marayey ayaa ku luma oo haddii aanay si fiican ula socon waddada ay marayaan iyo ta ka leexanaysa.
Darka Ceelka Caynaba xooluhu ka cabbaan
Waxba yaanan hadal idinku daaline, waxaan sagaalkii habeennimo galnay Gar-adag oo ku taal meel didib ah oo dhanka galbeedna buuro ku leh, dhanka barina banaan weyn ku leh. Waa magaalo dhaaro leh oo ka dhismo duwan tuulooyinka aan soo maray, waxay leedahay dhowr masaajid, ceelal biyood, dhir waaweyn oo berde ah oo magaallada koonaheeda ku yaal, waana degmo ka tirsan gobolka Sanaag. Waxa magaalladaa ku yaal geed “gob” ah oo caan ah, waa geedka magaalladu kula magac baxday oo la yidhaahdo “Gar-adag”, waa geedka garta adag lagu gooyey, waa geedkii Afxakame loogu meheriyey Saalax oo intiina taariikhda suugaanta wax kala socotaa ay garanayso.
Geedka “Gar-adag” ee magaca magaalladu kula baxday, waana geed gob ah
Ceelka Gar-adag oo isna biyuhu halkan dhow joogaan
Magaallada Gar-adag,Dhowr geed oo caan ah bay leedahay, waxa ku yaal geed la magac baxay “Habar lammaan” oo ah laba geed oo isku baxay, Berde iyo Darray, dad yar baana kala garan kara waxyaalaha ay labadaa geed ku kala duwan yihiin, markanse wayba isku baxeen oo waxa muuqan karta isirka ay wadaagaan labadan geed (Berdaha iyo Darrayga). Waxay kaloo Gar-adag leedahay ceel biyood la mid ah kan Caynaba oo isna hoos loogu dhaadhacayo ka dibna halkaa ragga midna biyaha ka soo tuurayo gunta, kan kalena darka ugu shubaya xoolaha.
Waa berde iyo daray isku baxay oo la yidhaahdo “Habar lammaan”, kuna yaalla Gar-adag
Maanta aan halkaa ku dagagaro qormadeenan toddobaad, mid kale ayaan ku sii anba qaadi doonaa socdaalka Gar-adag iyo wixii meeshaa ka dhacay, haddii Allaha awoodda lihi qaddaro.

Allaa Mahad Leh
Yaasiin Jaamac Nuux (Suldaan)
suldaan@aftahan.comaftahan@gmail.com

Thursday, 19 February 2009

Socdaalkii Dheeraa - Qaybtii Lixaad - Sheekh Secondary School

Suldaan Iyo Socdaalkii dheeraa ee Somaliland
Qaybtii 6-aad.

Sawirradii oo dhan halkan ka daawo
http://picasaweb.google.com/suldaan2007


Akhristayaashii faraha badnaa ee ila soo xidhiidhay iyo kuwii sida joogtada ah ula socday qoraalladii taxanaha ahaa ee “Suldaan iyo Socdaalkii Dheeraa ee Somaliland” waxaan ka raalli gelinayaa daahitaanka aan la soo daahay qoraallada –cudurdaarkaygu waa Socdaalkii Dheeraa inaan weli ku jiro oo Sweden ku maqnaa –

Waxaan iyana si guud oo kal iyo laab ah ugu mahadcelinayaa saaxiibaddayda dacaladda adduunka jooga ee sawirrada iyo warbixintaydu daltabyada ku reebtay ee sida qiiraysan iigu soo dira emaillada iyo telefoonnada, kuwaas oo aanan intooda badan ku warcelin – waxaan leeyahay saaxiibbayaal fari kama qodna – waanan qaatay taladiina iyo dhiirigelintiinaba, mana mudni ammaanta badan ee aad ii soo dirteen.

Arartaa, halkaa markaan ku dhaafo; Socdaalkii dheeraa – maanta waxaan idinku geynayaa meeshii ay ka soo baxeen haldoorkii ummadda, meeshii indhaha la inoogu dilaaciyey, goob taariikh weyn ku leh horumarka tacliineed ee Somaliland, waa Iskuulkii Sheekh ee Secondariga ah, iskaga iyo ka maanta jaamacadda laga dhigay ee Camuud iyo Dayaxa oo Sanaag ku yaal ayaa ah meelaha tacliinta tayada leh laga aasaasay; siiba dugsiga Sheekh wuxuu noqday mid ardaydii ka soo baxday ay u ciidamisay dalkan yar ee Somaliland. Magacyada waaweyn ee laga yaqaan dalkeenna ee hoggaaminta iyo aqoonta sare lagu bartay waa ardaydii Dugsiga Sare ee Sheekh. Waxa la dhisay badhtamihii qarnigii tegey, wuxuu ku yaal Magaallada Sheekh meel ilaa laba kiiloo mitir dhanka galbeed ka xigta. Wuxuu ka kooban yahay guryo la seexdo, fasallo wax lagu dhigto, goobo lagu cayaaro, tiyaatar wax lagu daawado, meel weyn oo lagu cunteeyo, masaajid lagu tukado, barxad weyn oo lagu nasto, beero dhexdooda lagu hawo qaato, guryihii macalimiinta – qayb cusub oo hablaha gaar loogu sameeyey.

Waxaannu wada soconney, Hinda Max’ed Jaamac oo wiilkeedu Dugsiga dhigto iyo Abwaan Hadraawi oo maalintaa ay ku soo casuumeen dhallinyarada dhigata dugsiga, Waaxdooda Suugaanta Soomaalida – Somali Literature Council oo uu guddoomiye ka ahaa wiil yar oo halabuur ah – Cabdilaahi-Shaacir - oo runtii si diirran noogu soo dhoweeyey Dugsiga, weliba gabay qurux badan oo uu abwaanka (Hadraawi) ku ammaanayo, kuna soo dhoweynayo halkaa nooga tiriyey.

Weligay maan tegin dugsigaa, haddana Shiikh iyo buurta Dawga inta jeer ee aan maray tiro ma leh; Shiikh waa magaallo qurux badan oo hawo fiican, marka kulka kul ugu darrani ka dhacayo dalkeenna, iyadu waa qabaw, marka jiilaal cargaagtamo ee dhirtu engegto, iyadu waa barwaaqo, marka xagaa dabadheeraado iyadu waa dhedo – gu iyo jiilaal, dayr iyo diraac waa cagaar, markasta waxa laga helaa Seytuun, marka gaadhi isla kaa soo taago ayaa saxansaxo iyo qabow naftu ku raaxaysanayso ku qaadayaa, marka indhuhu ku dhacaan meel barwaaqo ah oo buuro ku gedaaman yihiin, guryuhu qaarna buurtaa saaran yihiin, kuwana buurta kale, ayaad u qushuucaysaa quruxdeeda. Dhowr qof baannu isku raacnay in Shiikh tahay magaallada keliya ee Istiraajiyad iyo qurux ahaan ba ugu qalanta Caasimadda Somaliland. Intay xadka u jirto, intay badda u jirto, waxyaalaha dabiiciga ah ee ay leedahay, biyaha durdurrada ah, jawiga qabow iwm. Maalinay noqotaba Shiikh caasimad bay noqonaysaa –

Dugsiga Sare ee Shiikh waxyaalihii iga yaabiyey ee uu lahaa waxa ka mid ahaa, isagoo in ka badan lixdan sannadood dhisnaa, dalkaa burburay, tobanka jeer dagaalladu ka dhaceen, inuu ka nabad galay oo sidii lagu dhisay uu ahaa; waa dhismayaasha qaddiimka ah ee dalkeenna ka taagan ee haddana kuwa maanta la dhiso ka quruxda iyo tayoba fiican. Kaallay arag, tiyaatarka aan kuraasta lahayn ee daaqadaha muraayadaha ah leh ee haddana marmarkii iyo muraayaduhu sidoodii u dhalaalayaan, kaalay arag madbakha casriga ah ee weelkii iyo wiciyaddii qalinka ahayd yaallin iyo tallaagadihii cuntada lagu qaboojinayey, oo aanad malayn karayn sida nadaafaddoodu u sarrayso iyo sida ay u daryeelayaan ‘Hygiene’ ka ee xataa kuugu dhar nadiifa u xidhan yahay, kaallay arag, labotariyada sayniska ee qalabkii iyo agabkiiba u dhan yihiin ee qurux iyo tayoba ka fiican yihiin kuwa London college-yadeedu qaar leeyihiin. Bal adba eeg, fasallada ay samuuraddoodu tahay ta maanta adduunka laga isticmaalo ee loo yaqaan “Whiteboard” ee qallinka masaxma lagu qoro, iyo derbiyada khariiddada iyo sawirada biology-ga ku dhegen yihiin. Maktabadda buugtu taallo ee leh meesha wax lagu akhristo ee xitaa ka kaa soo horjeedaa aanu arkayn waxaad akhriyeysid.

Waxay leeyihiin “Notice Board” la iskula socodsiiyo waxyaallaha/ (Activities) dugsiga dhexdiisa ka socda. Ardaydu iyagaa dharkooda maydha oo kaawiyadaysta, iyagaa cunta weelka ay ku cunaan dhaqa, iyagaa gurigooda masaxda oo hagaajista, kaallay arag, sida wakhtiga u ixtiraamayaan, macallinka uga dambeeyaan, sida ardaydu isu tixgelinayso, sida murankooda iyo dooddu cilmiga ugu qotonto, halka dhallinyarada kale Tahriib iyo Fiise iib ah ka sheekaynayso, iyagu Buug Maraykanka lagu qoray oo cilmi ama khiyaal ku saabsan ayey ku dooddayaan ‘Waxaas buu uga jeedday’, halka dhallinyarada kale kubadda iyo koox heblaa badisey ka dooddayso, iyagu buug hebel baa soo baxaya iyo hebel baa siyaasadda Afrika ku fiican ayaa laga doodayaa;

Dhallinyarada dugsiga dhigataa waa laba boqol oo wax dhiman (180), waana kuwa ugu aqoonta sarreeya Somaliland. Si ciyaar ah laguma helo dugsiga Sheekh, kama jirto ‘qishka’ beryahaa dambe ka soo shaac baxay imtixaannada Somaliland, sidii dhallinyaradu telefoonada u qaadatay ‘qishku’ cirkaa ayuu isku shareeray Somaliland, oo xataa gobol gobol baa loogu tartamaa. Iyaga imtixaannadooda waxa lagu soo saxaa UK, shahaadadooduna waa GCSE oo waxa soo saarta EDEXCEL. Hinda Maxamed Jaamac oo wakhtigaa Jaamacadda Burco ka shaqaynaysey oo wiilkeeduna dhigto Dugsiga Sheekh ayaa intii aannu Dugsiga ku soo soconnay nooga sheekaysey siday wadnaha farta ugu haysey in wiilkeedu baasi doono imtixaanka lagu gelayo Dugsiga Sheekh; wiilkeedu oo ku dhashay Maraykanka oo si fiicanna u yaqaanay ingiriisida iyo xisaabta ayey haddana ka baqsanayd inuu imtixaankaa baasi waayo, ka waran kuwa kalena- sidaa iyo ka sii daran ayaa loo galay –

Dhallinyaradii dugsiga nagu soo casuuntay ayaa si fiican noogu soo dhoweeyey, aniga markiiba waxay ii kaxeeyeen inay isoo tusaan dugsiga gudihiisa; waxay i geeyeen laababkii sayniska, maktabadii, tiyaatarkii, madbakhii, jardiinooyinkii, barxaddii weynayd ee dugsiga, waxay i geeyeen meesha ay dharka ku maydhaan, meelaha ay wax ku akhristaan, qolalka hurdada oo qolkiiba laba sariirood oo isdulsaaran leyahay oo afar seexato; waxaan koray dusha sare ee dugsiga oo aan sawirro qurux badan ka soo qaaday dugsiga iyo magaalladaba, eeg sawirrada.

Ka dibna, waxay gaadhay wakhtigii loo ballansanaa in Abwaanka lala kulmi lahaa ee murtidiisa iyo mahadhadiisa la maali lahaa. Hadraawi oo intii aanaan Burco ka soo bixin nagaga habsaamay kulan uu la lahaa dhallinyaro dugsiga sare ee Sheekh Bashiir ka qallin-jelinaysa, ayaa wuxuu caado ka dhigtay inuu muxaadaro ama lecture qurux badan oo qiiro iyo waano isugu jira u jeediyo ardaydaa nolosha cusub gelaysa. Maalintaana wuxuu halkaa ka jeediyey mowduuc runtii aad iiga qiiraysiiyey, oo waddaniyad, masuuliyad, dedaal iyo firfircooni faraya ardayda; dusha u saaraya xilkii naftiisa, kii reerkiisa, kii reerkooda, kii bulshada iyo kii ummadda oo dhan. Wuxuu ula dardaarmay sidii qof aan weligood ku soo noqonayn – laga yaabee – in sannadka dambe uu qaar kale halkaa ugu tago-

Asluubta loo fadhiyey, curdannimada wajiyadooda ka muuqatay, sida hadalka abwaanka loo danaynayey, loona xiisaynayey, iyo sida qaar ay buugta ugu Note-garaysanayeen maahmaahyada iyo sheeko-murtiyeedyada abwaanku ku hoga-tusaaleynayey; ayaan la dhaygagay oo sawirkii aan qaadayey i ilowsiisey. Haddii haweenka aan tacliinta loo diri jirin, waxaad ku arkaysaa dugsiga hablo xijaaban oo quruxdooda iyo shacniga ka muuqda ay u dheer tahay aqoonta sare ee ay baranayaan – maansha Allaah – Qof kastoo dalka taga waxaan ku dhiiri gelin lahaa inuu dalxiis ahaan u tago dugsigaa sare ee Sheekh.

Riyaaqii iyo marxabaysiintii, ayaa ilaa kadinka dhallinyaradii nagu keentay, iyagoo wejiyadooda faraxii ka muuqday aad moodid inay iid joogaan. Waxay na siiyeen nuqullo ka mid ah warside (newsletter) ay iyagu soo saaraan oo af-Ingiriisi ku qoran, mowduucyo kala duwanna ka hadlaaya. Waxay nala sii galeen sawirradii sagootinta

Haddaba, waxa is weydiin leh, ubaxaa soo kacayaa mustaqbal fiican ma ka heli doonaan dalkooda iyo shaqo iyo nolol wanaagsan, mise aqoontaa iyo xirfaddaa ay heleen waxay u noqon doontaa furihii Tahriibta? Bal adiguba sheeg. Haddii aad ogtihiin aqoondarrada haysata ciidankeenna booliiska oo keliya, afartanka kun ee arday ee sannadkii ka qalin jebisa dugsiyada sare intoodaba booliis baad ka dhigi lahaydeen; Booliisku halkii uu aqoon iyo sharci kugu hagi lahaa ayuu amar iyo dil kugula kacayaa – qormadeenna dambe la soco waa cadaallad-darrada dalka taal, kaga hadli doonaa..

Fiiro Gaar ah: Haddii, qaar ka mid ah dhallinyaradaa dhigata dugsiga Sheekh ay helaan qoraalkan iyo sawirradiisa, fadlan u gudbiya, dhallinyarada oo dhan. Aad bay iiga soo codsadeen inaan u soo diro, runtii waan kala habsaamay – sawirrada ka la baxa ciwaankan hoose: http://picasaweb.google.com/suldaan2007
http://suldaan2007.blogspot.com/

Suldaan iyo Socdaalkii dheeraa ee Somaliland, la soco qaybta 7-aad [insha Allaah] ...
Allaa Mahad Leh
Yaasiin Jaamac Nuux (Suldaan)aftahan@gmail.comwww.aftahan.org
http://suldaan2007.blogspot.com/

Thursday, 5 February 2009

Daawo cajalad fiidyow ah

geelkiis mag lagu bixinaayey

Taallabuur iyo geelkiis mag lagu bixinayey


Posted by Picasa

Taallabuur iyo geelkiis mag lagu bixinayo
Posted by Picasa